Abuuritaanka Nebi Aadan iyo Jinka

Abuuritaanka Nebi Aadan iyo Jinka



Sida Allaha awooda lihi ku xusay Qur'aankiisa kariimka, Suuratul Alxajar, Ayadaha 26-33.Wuxuu Eebe (SWT)kaga warramay abuurritaanka aadamiga iyo jinka,
isaga oo tilmaan cad ka bixinaya sidamid waliba u abuurran yahay, waxa laga sameeyay iyo sida looga baahan yahay in lagu cibro qaato mucjisooyinka Ilaahay.
Ilaahay waxa uu aayadihiisa Qur'aanka kariimka ah ku sheegay in laga abuuray Nebi Aadan (CS) dhoobo qalalan oo isjiid jiidanaysa midabkeeduna yahay madow is-bedbeddala.
Jinkana in laga abuurray naar aan qiiq lahayn oo gasha ama gelikarta dal-daloolka maqaarka dadka.
Markii la abuurray Aadam,ayaa Ilaahay ku yidhi Malaa'igtii u sujuuda,markaasay Malaa'igtii oo dhami uwada sujuuday, Iblays oo diiday mooyaane.
Ilaahay wuxuu ku yidhi Ibliis maxaad uga mid noqon weyday kuwan sujuudsan. Ibliis baa yidhi ma noqonayo mid u sajuuda bashar aad ka abuurtay dhoobo is-jiidjiidanaysa oo midabkeedu madaw yahay .
Aayadahani waa qaar mucjiso , talo iyo tusaalooyin isugu jira looga dan leeyahay in aadamigu is-ogaado meesha uu ka yimid, iyo sababta Ilaahay u macnahooda ka dheehan kartaa siday u caddahay awooda Eebe aqoontiisa iyo xikmadiisa iyo naxariistiisa.
Halka Eebe ku sheegayo in Aadam laga abuuray dhoobo madow oo isjiid-jiidanaysa oo urteedu is-bed-bedelayso,waxay tilmaan u tahay awoodiisa.
Jaankuna waa Aabihii Jinku ka soo tafiirmay, waxaana la abuuray Aadam ka hor, isagoo laga abuurray naar aan qiiq lahayn.
Naartaas aan qiiqa lahayni waa mid ka dusta dal-daloolka haraga aadamiga.
Waxa kale oo uu aayadaha Ilaahay ku wargelinayaa Nabi Muxammed (NNKHA) in Ilaahay ku yidhi Malaa'igtiisa u sajuuda Aadam, taas oo micnaheedu yahay sujuud salaan iyo qaddarin ah, balse aanahayn sujuud adoonimo, waayo taasi waxay u sugnaatay oo kaliya Ilaahay xaq lagu caabudo.
Amarkaa Eebe (SWT) siiyay Malaa'igta way fulliyeen oo waa sujuudeen, Ibliis mooyaane oo diiday in uu u sajuudo, kadib wuxuu Iblays weydiiyey waxa ka reebay Malaa'igtii sujuuday.
Nacladi ha ku taale Ibliis , Ibliis waxa uu muujiyey sababta uu sidaas u yeeli waayey, taas oo loo nisbeeyey xaasidnimo uu Aadan u qabay iyo isla - weynaan ku jirtay, oo waa kii yidhi u sujuudi maayo mid aad ka abuurtay dhoobo is-jiid-jiidanaysa.


Tafatire:A _ Yaasiin
Webmaster@saaxil.net