
Fadliga Wardiga ( Xusidda Alle , kor Ahaaye)

1. Rasuulkii Alle S.C.W. wuxuu yiri: Mawaxaysan aheyn inaan idiin sheego camal aad fashaan kan Alle agti ugu khayr badan oo ugu hufan oo derejooyinka u sarreeya aad ku gaari kartaan, oo idiinka khayr badan dahab iyo lacag aad bixisaan iyo cadowgiinna oo aad la jihaaddaan oo aad weecda iska dhigtaan.
Asxaabtii waxay yiraahdeen:"Rasuul Allow ! fadlan , noo sheeg !" Wuxuu ( S.C.W. ) yiri: Waa xusidda Alle.
2.Rasuulkii Alle S.C.W. wuxuu yiri: Mufaridiintii baa dadkii kale ka hor maray. Waxay asxaabtii Nebigu S.C.W. yiraahdeen: Nebi Allow S.C.W . ?
Wuxuu S.C.W.yiri: waa kuwa in badan xusa Alle oo rag iyo haweenba leh.
3.Cabdullaahi bin Busur A.K.R. wuxuu yiri: Nin baa mar ku yiri Rasuulkii Alle S.C.W.: Nebi Allow ! Waxaa igu adkaatay qaybidda waajibaadka diiniga ah ee dusheyda ah. Fadlan , igu hanuuni wax aan qabsado.
Wuxuu S.C.W. yiri : "Mar waliba wardiga Alle afka ku hay."
4.Waxaa la soo weriyey in Rasuulkii Alle S.C.W. yiri : " Qofka wardiya iyo qofka aan wardiyin waxay waxay la kala mid yihiin qof nool iyo qof dhintay"Bukhaari
5.Waxaa la soo weriyey in Rasuulkii Alle S.C.W. yiri : "Qofkii meel uu joogoba aan ku xusin Alle kor ahaaye, isaga baa ka mas'uul ah gabood falkiisa.
Qof meel jiifsadana oo aan ku xusin Alle , kor ahaaye, isaguna wuxuu ka ahaan doonaa mas'uul oo waa loo qabsan doonaa Alle horti gabood falkiisa."
Aakhirka , qofkaa oo kale waa ka shallaayi doonaa gabood falkiisa
Fadliga xamdi naqa iyo ku maanidda Alle kor ahaaye weedha "Laa Ilaaha illal Laa , iyo SubxaanalLaah"
6.Rasuulkii Alle S.C.W. wuxuu yiri: Qofkii yiraahda boqol jeer:
" Laa ilaaha illal laahu waxdahu laa shariika lahu lahul mulku walahul xamdu wahuwacalaa kulli shey'in qadiir"
"Ma jiro Ilaah xaq ah aan aheyn Allaah , Ma laha shariik ( cid wax l wadaagta ) Isaga baa leh Boqortooyada , Isaga baa leh ammaan idilkeed. Isaga baa awood badan u leh inuu falaa wixii uu doono.(qofkii sidaad yiraahda) wuxuu heli doonaa ajar u dhigma xoreynta iyo qoor furidda toban addoon.
Waxaa loo qori doonaa boql ajar. Oo weliba boqol denbi baa laga dhaafi doonaa.
Sidoo kale waxay ka xijaabi doontaa Sheydaan maalinta oo dhan. Mana jiro qof la imaan kara wax ka ajar badan wixii uu la yimid , qof sidaa oo kale yeelay maahee.
7.Wuxuu S.C.W. yiri : Qowlka ah :
"Subxaanallaahi Wa bi Xamdih"
"Sharaf ,Xurmo hufid,weyneyn iyo ammaan idilkeed waxaa mudan Allaa" (qofkii sidaas yiraahda ) boql jeer maalintii , waxay keeni doontaa in qofkaa denbiyadiisa la tirtiro xitaa haddii denbiyadiisu ahaayeen wax tiro badan sida xoorka cad ee hirarka badda.
F .G :- Fiiro Gaara waxaan ka soo diyaariyey kitaabka ... Saad Suubban ( Xirsi xirka Muslinka )
Tafatire: A _ Yaasiin
boodo_dheere@saaxil.net
webmaster@saaxil.net